DHAGEYSO:Uhuru Kenyatta: Raila ayaa noqon doona madaxweynaha 5-aad ee Kenya

0
502

Uhuru Kenyatta: Raila ayaa noqon doona madaxweynaha 5-aad ee Kenya
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi shaaca kaga qaaday in shakhsiga kala wareegi doono hoggaanka ugu sarreeya wadanka uu noqon doono hoggaamiyaha isbeheysiga hiigsiga mideynta ee Azimio La Umoja Raila Odinga marka ay Kenya doorasho guud ka dhacdo 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo dhammaan madaxda xisbiyada hoos tagi doono dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Azimio, kuwaasoo meesha ka saaray hamigoodii, islamarkaana ay Raila Odinga ku taageeraan inuu ku matalo tartanka kursiga ugu sarreeya dalka ee doorashada guud ee soo socoto.
“Madaxweynaha xiga ee Kenya waxa uu noqon doonaa Raila Amolo Odinga,” ayuu yiri madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta intii lagu guda jiray saxiixa heshiiska isbeheysiga ay ku midoobeen 21-ka xisbi siyaasadeed ee ka tirsanaan doono hiigsiga mideynta ee Azimio La Umoja ee uu madaxa u yahay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ahna hoggaamiyaha xisbiga ODM.
Waxaa uu xusay in midnimada ay Kenya u horseedi doonto ixtiraam caalami iyo in dalka laga ciribtiro musuqmaasuqa curyaamiyay horumarka wadanka.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa si gaar ah u amaanay madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo dhigiisa KANU Gideon Moi oo ka wada tirsan isbeheysiga OKA iyo xisbiyada kale ee doorbiday inay Raila Odinga ku taageeraan jagada ugu sarreysa dalka.

Xisbiyada Wiper, KANU iyo 19 xisbi kale ayaa shalay saxiixay heshiis ay ugu biirayaan isbeheysiga siyaasadeed ee Azimio La Umoja, iyagoo si rasmi ah u taageeray musharraxnimada Raila Odinga ee doorashada guud ee sanadkan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa meesha ka baxay ballanqaadkii ahaa in hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka uu ka dhex muuqan doono codeynta guud ee soo socoto isaga oo u tartami lahaa xilka madaxtinimo.