Uhuru Kenyatta oo wada hadal la yeeshay madaxweynaha Burundi

0
256

Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa kulan la qaatay madaxweynaha wadanka Burundi Evariste Ndayishimiye.
Uhuru ayaa hoggaaminaya dadaallada nabadeed ee jaaliyadda bariga Afrika ee EAC ee xal loogu raadinaya colaadda DRC.
Kulanka shalay ayaa ka dhacay madaxtooyada magaala madaxda Burundi ee Bujumbura.
Uhuru ayaa sheegay in EAC ay ka go’an tahay in xal waara loo helo colaadda ku soo noqnoqotay bariga jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.