Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ahna madaxa howlgalka kormeerka doorashada wadanka Nigeria ayaa ugu baaqay shacabka dalkaasi inay dulqaad muujiyaan oo ay nabadda iyo xasiloonida ilaaliyaan inta la sugayo ku dhawaaqista natiijada kama dambeysta ee doorashada madaxtinimo ee wadankaasi.
Uhuru Kenyatta oo shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen madaxweynihii hore ee dalka Sierra Leon Bai Koroma oo matalaya jaaliyadda dhaqaale ee waddamada galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa soo saareen bayaan horudhac ah oo ku saabsan indha indheyntooda doorashoodii 25-kii bishan ka qabsoontay wadanka Nigeria.
Labada madaxweyne hore ayaa sheegay in hadallada hordhaca ah ay ka tarjumayaan natiijooyinkii ergada iyo talooyinka loo jeedinayo dhinacyada ay khuseyso ee geeddisocodka doorashada.
Madaxa kormeerayaasha doorashada ee Nigeria ee matalaya waddamada barwaaqa-sooranka ee Commonwealth ahna madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Thabo Mbeki, ayaa sidoo kale bayaan horudhac ah ka soo saaray shirka jaraa’id.
Waxaa uu sheegay in marka natiijada codbixinta lagu dhawaaqo ay ergada soo saari doonaan warbixin dhamaystiran oo bixineysa talooyinka hagaajinta doorashooyinka mustaqbalka.
Musharraxa xisbiga talada haya ee APC Bola Tinubu ayaa haysta boqolkiiba 55 codadka ilaa hadda la tiriyay.
Sidoo kale Musharraxa ugu weyn mucaaradka Atiku Abubakar ayaa haysta boqolkiiba 31 codadkii la dhibtay halka musharraxa xisbiga shaqaalaha Peter OBI uu haysto 8%.
Doorashada dalka Nigeria ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah doorashada madaxtinimada ee wadankaasi sida adag loogu tartamay.




