Uhuru Kenyatta oo ku deeqay 2 milyan oo shilin

0
474

Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay caawiyaan dadka ay saameynta ka soo gaartay daadadka.
Waxaa uu ballan qaaday inuu Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross Society ugu deeqaya 2 milyan oo shilin.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu tacsi u dirayayay qoysaska ehelladooda ay ku dhinteen roobabka iyo daadadka culus ee ka dhashay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in kenyaanka looga baahan yahay in ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan oo aynan fududeysan khatarta fatahaadaha.