Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa hoggaamiyaha talada waddanka haya William Ruto ku boorriyay inuu dhageysto tabashooyinka shacabka oo uu maamulkiisa qadariyo xuquuqda dastuuriga ah ee dadweynaha.
Bayaan uu soo saaray, ayuu madaxweynihii afaraad ee Kenya walaac uga muujiyay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dibadbaxyadii shalay ee looga soo horjeeday hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Waxaa uu mas’uulka xilka kala wareegay kula taliyay inuu fursad siiyo wada hadal oo uunan adeegsan awood dowladeed.
Uhuru Kenyatta ayaa carrabka ku adkeeyay in tabashooyinka ay qabaan shacabka oo la iska dhaga tiro ay xaaladda hadda taagan ka sii dhigaysa mid cakiran.
Waxaa uu tilmaamay in ugu yaraan loo baahan yahay in madaxweyne William Ruto uu ku baraarugo awoodda uu dastuurka siinaya muwaadiniinta.