Madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyihii hore ee wadanka Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horreysay u kulmay si fool ka fool ah, iyadoo ay isugu dambeysay 13-kii bishii Sagaalaad ee sanadkan oo xafladda caleemo saarka ah lagu qabtay fagaaraha Kasarani ee magaalada Nairobi.
Ruto iyo Uhuru ayaa shalay kulmay intii lagu guda jiray furitaanka wadahadallada nabadeed ee jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC, oo ka furmay caasimadda Kenya ee Nairobi.
Wadahadalladan waxaa hoggaaminaya madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta, sidoo kalena ah dhexdhexaadiye nabadeed oo matalaya jaaliyadda bariga Afrika ee EAC ee xal u helidda colaadda bariga DRC.
PRESIDENT RUTO: WE WILL ENSURE PEACE IN DRC
President @WilliamsRuto has said Kenya will back the Nairobi Peace Process to bring peace in the Democratic Republic of Congo. pic.twitter.com/o2PpA9pnl5
— State House Kenya (@StateHouseKenya) November 28, 2022
They all committed to working together in restoring peace in DRC. pic.twitter.com/M6r8SlK2Py
— State House Kenya (@StateHouseKenya) November 28, 2022