Ugu yaraan saddex Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, halka toddoba kalena ay ku dhaawacmeen weerarro ay Israa’iil ka fulisay meelo kala duwan oo ka tirsan Marinka Qaza, taas oo loo arko jabinta ugu dambeysay ee xabbad joojin jilicsan oo u dhexeysa Israa’iil iyo Xamaas, sida ay sheegeen ilo caafimaad.
Wararka ayaa sheegaya in weerarrada habeenkii ilaa aroornimadii Axadda ay ka dhaceen magaalooyinka Rafah iyo Khan Younis oo ku yaalla koonfurta Qaza, xaafadda Zeitoun ee koonfur-bari magaalada Qaza, iyo xaafado kale oo ka tirsan marinka go’doonsan, iyadoo colaadda ay weli sii socoto.
Mid ka mid ah weerarrada, diyaarad yar oo aan duuliye lahayn ayaa dishay nin Falastiini ah xilli loo waday isbitaal ku yaalla Khan Younis, sida ay sheegeen ilo caafimaad.
Sidoo kale, wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa ayaa sheegtay in laba nin lagu dilay rasaas ay fureen ciidammada Israa’iil, taasoo ka dhacday bariga xaafadda Zeitoun.




