Ugu yaraan hal ruux ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay halka 22 kalena ay ku dhaawacmeen qarax gaas ka dhashay oo laga soo tabiyay maqaaxi ku taalla Waqooyiga dalka Shiinaha.
Dhibaatadan ayaa ka dhacday magaalada Sanhe oo wax ka yar 50 kiilomitir dhanka bari uga beegan magaalada Beijing.
Waxaa la howlgeliyay 154 qof oo ah saraakiisha samatabixinta oo adeegsanaya 36 baabuur ah.




