Ugu yaraan hal qof oo ku dhintay duqeyn uu xalay Ruushka ka gaystay Kyiv

0
182

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay dowladda Ruushka habeenkii Saddexaad xalay ka fulisay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv ayaa waxaa ku nafwaayay ugu yaraan hal qof.
Waxaa weerarradaasi lagu dhaawacay afar ruux oo dheeraad ah.
Madaxa maamulka militariga ee magaalada Kyiv,Serhiy Popko ayaa duqeynta Ruushka ku tilmaamay weerar wayn oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu soo sameeyay dalka Iiraan.
Waxaa sidoo kale qaraxyo laga soo tabiyay gobollada kale ee Ukraine sida Khmelnytskyi ee dhanka galbeed, Mykolaiv oo ku taalla Koonfurta iyo magaalada Zaporizhia ee Koonfurta bari ee dalkaasi.