Ugu yaraan 9 qof oo lagu dilay Rafah

0
315

Ugu yaraan 9 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarro ay Israa’iil u adeegsatay dabbaabadaha dagaalka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Duqeymahan ayaa lala eegtay xaafado ku yaalla Galbeedka magaalada Koonfureed ee Rafah.
Dadka la dilay ayay wararku sheegayaan in ay sugayeen in gargaar baniaadannimo loo qaybiyo.
Ilaa 30 qof oo kale ayaa weerarrada ku dhaawacmay.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA ayaa laga soo xigtay in qiyaastii 65,000 oo qof ay weli ku sugan yihiin gudaha Rafah.
Waxaa ay magaaladaasi hooy u ahayd in ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah kuwaasi oo badankooda ka cararay duullaanka ay Israa’iil halkaasi ka wado.