In ka badan 9 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaal beeleedyo saameeyay gobolka Manipur oo ku yaalla Waqooyiga Bari ee dalka India sida ay sheegeen booliiska.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo saraakiisha ammaanka ay sare u qaadeen howlgallada la doonaya in lagula wareego hubka sharci darrada ah.
Shaqaaqooyinka dadkan lagu dilay ayaa dhex maray qowmiyadaha Kuki iyo Meiteis.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaal beeleedyada ay soo billowdeen 3-dii bishii hore iyadoo la isku haya faa’iidooyinka dhaqaalaha , qoondada dhanka shaqooyinka iyo tacliinta ee dowladda India oo la sheegay inay inta badan ka faa’iidaysato qowmiyadda Meiteis.