Weerar ay ciidamada militariga ee Israa’iil ka fuliyeen Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 9 ruux.
Duqeymaha oo ay gaysteen boqolaal ciidamo ah ayaa ka dhacay magaalooyinka Jenin iyo Tulkarem.
Dhanka kale, waaxda difaaca rayidka Qaza ayaa sheegtay in shaqaalaheeda laga hor istaagay in ay soo samata bixiyaan dad ku hoos xanniban burburka guri lagu dumiyay magaalada Khan Younis ee Koonfurta Qaza.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, duqeymaha militari ee ay Israa’iil weli ka wado Qaza waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 40,476 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 93,647 kale.