Ugu yaraan 9 qof oo lagu dhaawacay Maraykanka

0
323

Ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu dhaawacay toogasho laga gaystay magaalada Denver ee gobolka Colorado ee Maraykanka.
Toogashada ayaa dhacday abaare 12:30 habeenimo saacado un ka dib markii kooxda kubadda cagta ee magaladaasi ay guulaystay.
Booliiska magaalada Denver ayaa laga soo xigtay in mid ka mid ah saddexda qof ee la dhaawacay ay xaaladiisa caafimaad liidato.
Booliiska ayaa intaasi ku daraya inay toogteen ka dibna xabsiga la dhigay eedeysane falkan lala xiriirinaya.