Ugu yaraan 89 qof oo ku dhintay doon ku degtay xeebta Mauritania

0
582

In ka badan 89 qof oo isugu jiro soo galooti iyo qaxooti ayaa ku dhintay xeebta waddanka Mauritania .
Tani ayaa timid ka dib markii ay la degtay doon ay saarnaayeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la la’yahay dhowr qof oo ka mid ahaa dadkan oo doonayay in ay u gudbaan qaaradda Yurub.
Ciidamada ilaallada xeebaha ee Mauritania ayaa sheegay in meydadka 89-ka ruux laga helay magaalada Ndiago.
Waxay saraakiishu soo badbaadiyeen 9 qof oo kale oo ay ka mid tahay gabadh 5 sano jir ah.