Ugu yaraan 834 qof oo sanadkii hore lagu daldalay Iiraan

0
211

Waxaa sanadkii hore dalka Iiraan xukun daldalaad ah lagu fuliyay ugu yaraan 834 oo ruux.
Tiradan ayaa lagu sheegay midii ugu badnayd muddo 20 sano gudaheeda ah.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday warbixin ay maanta si wadajir ah u soo saareen Hay’adda arrimaha xuquuqul aadanaha ee Iiraan ee uu fadhigeedu yahay Norway ee (IHR) iyo midda ka hor tagga fulinta xukunnada dilka ah ee magaalada Paris ee Faraniiska (ECPM).
Warbixinta waxaa ku cad in adeegsiga xukunka dilka ee Iiraan uu sanadkii 2023-kii kordhay boqolkiiba 43 iyadoo laga falcelinayay dibadbaxyadii qaran ee looga soo horjeeday in 2022-kii ay saldhig booliis ku dhex geeriyootay haweeney lagu magacaabi jiray Mahsa Amin.