Waxaa duqeymaha uu militariga Israa’iil ka wado Qaza 24-kii saacadood ee la soo dhaafay lagu dilay in ka badan 82 Falastiiniyiin ah.
Dhanka kale, in ka badan 450,000 qof ayaa ka qaxay magaalada Koonfureed ee Rafah oo ay Israa’iil ka fulinaysa duullaan militari.
100,000 oo dheeraad ah ayaa laga daadgureeyay dhanka Waqooyi.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , waxaa la dilay ugu yaraan 35,173 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 79,061 kale.