Ugu yaraan 8 qof oo lagu dilay Qaza

0
368

Duqeyn ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay baabuur marayay meel u dhow hooyga dad barakacayaal ah ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 8 ruux.
Weerarka ayaa ka dhacay Deir el-Balah oo ku taalla Bartamaha Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, ugu yaraan 36,550 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza halka la dhaawacay 82,959 kale.