Ugu yaraan saddex qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay halka in ka badan 8 kalena lagu dhaawacay toogasho laga soo tabiyay meel u dhow Bariga magaalada Quddus ee Falastiin ee ay Israa’iil haysato.
Booliiska Israa’iil ayaa laga soo xigtay in sarkaal booliis ah la dilay ka dib markii ay rasaas ku fureen saddex nin oo hubeysnaa xilli ay baabuurta ciidamada marayeen waddo wayn oo u dhow xaafadda Maale Adumim halkaasi oo uu ciriiri saaid ah ka jiray.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay dileen labo ka mid ah dadkii weerarkaasi ka dambeeyay halka midka saddexaadna la xiray.