Ugu yaraan 75 guri oo ku basbeelay dab ka kacay xaafada Waruku ee magaalada Nairobi

0
245

Ugu yaraan 75 guri ayaa ku basbeelay dab la yaab leh oo ka kacay xaafadda Waruku ee ku taal deegaanka Westlands, ee ismaamulka Nairobi, waxaana dabkaasi ka dhashay burbur xooggan.
Wararka ayaa sheegaya in shilkan uu dhacay subaxnimada hore ee saaka abaare 4-tii aroornimo xilli inta badan dadka deegaanka ay hurdeen. Si kastaba ha ahaatee, wali ma cadda inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Sida laga soo xigtay goobjooge, dabka ayaa waxaa uu ka bilowday mid ka mid ah guryaha aan rasmiga ahayn ka hor inta uusan si degdeg ah ugu gudbin dhismayaal kale, oo gebi ahaanba baabi’iyay wax walba.
Waxaa xaalada uga sii dartay in guryaha intooda badan ay ka samaysan yihiin biro iyo alwaaxyo aad u guban kara. Dadaal ay dadka deegaanka ku doonayeen in ay ku damiyaan dabka ayaa noqday mid aan waxba ka soo bixin.
Ugu dambeyntii kooxaxa gurmarka degdega ah ee ismaamulka Nairobi ayaa goobta soo gaaray iyagoo xakameeyay dabka.
Iyadoo ilaa hadda aan la xaqiijin karin sababta ugu weyn ee dhalisay dabkan, ayaa haddana waxaa hadda qeyb ka mid ah dadka deegaanka ay sheegayaan in dabkan uu ka dhashay cilad koronto oo ka dhalatay mid ka mid ah guryaha ku yaalo xaafadda.
Isagoo xaqiijinayo musiibada, wakiilka golaha hoose ee deegaanka Kileleshwa, Robert Alai, ayaa xusay in qoysaska ay dhibaatadu saameysey ay wax walba waayeen.
Masiibada Waruku ayaa tan iyo markaas walaac ka abuurtay qeyb ka mid ah Kenyaanka oo u soo baxay inay su’aal ka keenaan shilalka dab ee muddooyinkii dambe ka dhacayay qaar ka mid ah xaafadaha aan rasmiga ahayn ee Nairobi.
Arrintan ayaa ku soo beegantay hal bil uun ka dib markii laba qof ay dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen dab ka kacay xaafadda Siinaay ee deegaanka Mukuru kwa Ruben ee Nairobi.