Weerarro ay ciidamada Israa’iil xalay ilaa iyo saaka ay ka gaysteen daafaha Qaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 7 ruux.
Waxaa dadkan ka mid ah haweeney iyo canuggeeda oo lagu dilay xerada qaxootiga ee Bureij ee Bartamaha Qaza.
Ilo wareedyo caafimaad ayaa sidatan u sheegay warbaahinta caalamiga ee Al Jazeera qaybteeda Carabiga.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xubnaha golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC marka laga reebo Maraykanka ay taageereen arrintii la shaaciyey ee ahayd in gaajada ka jirta Qaza ay tahayd mid uu aadane sababay.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , duullaanka militari ee ay Israa’iil ka wado Qaza waxaa ku nafwaayay ugu yaraan 62,895 qof halka ay ku dhaawacmeen 158,927 kale.