Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa duqeyn dhanka cirka ah oo ay ku bartilmaameedsadeen dugsi hooy ku ah barakacayaal kaasi oo ku yaalla Waqooyiga Qaza waxay ku dileen ugu yaraan 7 qof.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegay afhayeenka ururka difaaca rayidka Falastiin Maxmuud Bassal.
Dugsiga la weeraray ayaa ah Kafr Qasim School wuxuuna ku yaallaa xerada qaxootiga ee Shati.
Waxaa uu falkaasi sidoo kale sababay dhaawacyo culus.
Tani ayaa imaanaysa maalin un ka dib markii weerar dugsi kale lala eegtay lagu dilay 22 ruux oo ay ka mid ahaayeen 13 carruur iyo 6 haween ah.
Militariga Israa’iil ayaa sheegay inuu bartilmaameedsaday dagaalyahaannada ururka Xamaas oo uu xusay in ay barxadda xaruntaasi ku sugnaayeen in kastoo uunan soo bandhigin caddeymo sheegashadaasi loo cuskanaya.