Ugu yaraan 7 qof oo lagu dilay Qaza

0
382

In ka badan 7 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen teendhooyin laga sameeyay aagga al-Mawasi ee Qaza oo lagu tilmaamay mid baniaadannimo.
Dhanka kale , saraakiisha Qaza ayaa dalbanaya in la soo siidaayo 310 oo ah saraakiisha caafimaadka oo la sheegay in la jirdilay .
Sidoo kale waxay dalbanayaan in baaritaan caalami ah oo madax bannaan lagu sameeyo dhowr kale oo dhakhaatiir Falastiiniyiin ah oo la afduubtay.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, ugu yaraan 37,372 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ka wado Qaza.
Waxaa muddadan gudaheeda la dhaawacay 85,452 qof oo kale.