Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Syria

0
241

In ka badan 7 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax ka dhashay bambo baabuur lagu soo rakibay.
Falkan oo ay ku dhaawacmeen 30 qof oo kale ayaa laga soo tabiyay suuq aad u mashquul badan oo ku yaalla magaalada Azaz ee gobolka Waqooyi ee Aleppo ee dalka Syria.
Goobjoogayaal iyo samatabixiyeyaal ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in qaraxu uu dhacay xalay fiidkii ka dib markii ay dadka afureen oo ay adeeganayeen.
Ma jirta cid durbaba sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.
Dalka Syria oo ay dagaallo sokeeye ka taagnaayeen tan iyo sanadkii 2011-kii ayaa waxaa saameyn ku yeeshay weerarro kala duwan oo halkaasi ka dhacay.