Ugu yaraan toddobo qof ayaa dhintay dhowr kalena way dhaawacmeen ka dib markii diyaarad nooca xamuulka qaado oo ay leedahay shirkadda UPS ay burburtay wax yar ka dib markii ay Talaadadii ka duushay garoonka diyaaradaha ee Louisville ee gobolka Kentucky, iyadoo ku dhul dhacday ganacsiyo ku dhow garoonka diyaaradaha.
Maamulka Duulista Hawada ee Federaalka Mareykanka (FAA) ayaa sheegay in diyaaradan oo magaceedu loo yaqaan McDonnell Douglas MD-11 oo u ambabaxaysa jasiiradda Hawaii ay burburtay abbaare 5:15 galabnimo waqtiga maxalliga ah.
Guddoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear ayaa shir jaraa’id ku sheegay inuu filayo in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay sii kororto.
Dhanka kale shirkadda UPS ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in saddex shaqaale ah ay saarnaayeen diyaaradda, iyadoo intaa ku dartay inaysan xaqiijin karin wax dhaawac ama khasaaro nafeed ah.
Sababta shilka ayaa waxaa haatan baaritaan ku sameynayaa hay’adda FAA iyo Guddiga Qaran ee Gaadiidka Mareykanka ee NTSB.




