Ugu yaraan 7 qof oo ku dhaawacmay weerar ay Israa’iil ku qaaday koonfurta Lubnaan

0
88

Weerar diyaaradeed oo ay fulisay Israa’iil oo lagu qaaday gaari marayey Bint Jbeil oo ku taal koonfurta Lubnaan ayaa ay ku dhaawacay toddobo qof, sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan.
Laba gantaal ayaa ku dhacay gaariga oo mararyey meel u dhow Isbitaalka Salah Ghandour, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay bartilmaameedsanayaan xarumaha Hezbollah, iyagoo ku eedeeyay kooxda hubaysan inay diiday inay hubka ka dhigto sida waafaqsan heshiiskii la gaaray sannadkii hore.
Israa’iil waxay qaadday weerarro ku dhawaad maalinle ah inkastoo ay jirtay xabad joojin, Xisbullah-na waxay sheegtay inay ka go’an tahay heshiiska xabad joojinta, waxay ku nuux-nuuxsatay inay san hubka dhigi doonain ilaa inta Israa’iil ay sii waddo weerarka iyo qabsashada dhulka Lubnaan.