Ugu yaraan 66 qof oo Qaza lagu dilay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay

0
222

Waxaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafay duqeymaha ay Israa’iil ka wado Qaza ku dhintay in ka badan 66 ruux.
Duqeymaha ayaa ka dhacay Bartamaha Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo saraakiisha caafimaadka ay sheegayaan in ay la daala dhacayaan u adeegidda dadka ay waxyeellada ka soo gaarta weerarrada Israa’iil ee Deir el-Balah iyadoo ay buuxsameen goobaha meydadka la dhigo ee isbitaallada halkaasi ku yaalla.
Waxay dhanka kale arrintan ku soo aadaysa iyadoo ururka Xamaas ee dalka Falastiin uu ku adkeysanaya in uunan heshiis la geli doonin Israa’iil ilaa ay ka joojinaysa duullaanka militari.
Xamaas ayaa dalbanaysa in ciidamada Israa’iil ay gebi ahaanba ka baxaan Qaza.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa isna sheegaya in duqeymaha ay sii soconayan ilaa ay ka burburinayaan Xamaas.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxay Israa’iil gudaha Qaza ku dishay ugu yaraan 36,550 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 82,959 kale.