Waxaa sii xoogeysanaya duullaanka militari ee dhanka dhulka iyo cirka ee ay Israa’iil ka wado Qaza.
In ka badan 64 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa weerarrada lagu dilay.
Waxaa tiradan ka mid ah 28 qof oo looga takhalusay weerar lala eegtay guri ku yaalla meel u dhow isbitaalka Kamal Adwan ee Waqooyiga Marinka Qaza.
Dhanka kale, waxaa weerararrada Israa’iil toddobaadkii ugu dambeeyay ku barakacay ugu yaraan 900,000 oo Falastiiniyiin ah.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, ugu yaraan 35,386 qof oo Falastiinyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza halka la dhaawacay 79,366 kale .