Ugu yaraan 63 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka in ka badan 40 ruux oo kale ay dhaawacmeen ka dib dab ka kacay dhismo dabaq ah oo ku yaalla bartamaha magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Waxaa sidatan sheegay warbaahinta gudaha iyo shaqaalaha gurmadka degdegga ee wadankaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhismaha dabka uu ka kacay loo badinaya inay ay ku noolaayeen ilaa 200 oo qof, sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Afhayeen u hadlay kooxaha gurmadka degdegga ah oo lagu magacaabo Robert Mulaudzi, ayaa sheegay in kooxaha dabdamiska ah ay ku guuleysteen inay soo saaraan qaar ka mid ah dadkii ku xayirnaa dhismaha.
Wararka ayaa sheegaya in dabku uu baab’iyay dhismaha intiisa badan.
Maamulka Johannesburg ayaa sheegay in aysan caddeyn waxa dhaliyay dabka ka kacay dhismaha.