Ugu yaraan 6 qof oo lagu dhaawacay weerar ka dhacay Ukraine

0
129

In ka badan 6 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawacyo ka soo gaareen weerar uu Ruushka ka fuliyay Ukraine.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in bartilmaameedsiga awgiis ay koronto la’aan yihiin gobollo dhowr ah oo ku yaalla Bartamaha iyo Galbeedka Ukraine.
Ruushka ayaa weerarka u adeegsaday dhowr ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo uu xalay ku garaacay kaabayaasha tamarta ee xukuumadda Kyiv.
Dhanka kale dowladda Ukraine ayaa sheegaysa in hannaankeeda difaaca hawada sare uu soo riday 26 ka mid ah 39-kii gantaal ee Ruushka iyo 58 ka mid ah 60 diyaaradood oo nooca drones-ka oo lagu weeraray in ka badan 10 gobol.