Ugu yaraan 52 qof oo lagu dilay Qaza

0
226

Weerarro ay Israa’iil ka fulisay qaybaha kala duwan ee Marinka Qaza ayaa waxaa ku dhintay ugu 52 qof oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa dadkan ka mid ah 12 ruux oo lagu dilay duqeyn lala eegtay dugsi ku yaalla magaalada Qaza oo hooy u ahaa barakacayaal.
Sidoo kale, sagaal qof oo dheeraad ah ayaa lagu dilay weerar lala eegtay suuq ay dad badan ka adeeganayeen oo ku yaalla magaalada Deir el-Balah ee bartamaha Qaza.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, duqeymaha militari ee ay Israa’iil weli ka wado Qaza waxaa ku dhintay ugu yaraan 40,173 ruux iyadoo lagu dhaawacay 92,857 kale.