Ugu yaraan 5 ruux oo ay Israa’iil ku dishay magaalada Rafah

0
232

In ka badan 5 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar ay Israa’iil ka gaysatay magaalada Rafah ee dalka Falastiin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay Israa’iil xoojisay duqeymaha iyo duullaanka dhanka dhulka ah ee ay ka wado bartamaha iyo koonfurta Qaza.
Hal maalin gudaheeda waxaa weerarradan lagu dilay ugu yaraan 147 qof.
Waxay tani imaanaysa iyadoo lagu wado in maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee (ICJ) ay dhageysato dacwad ay gudbisay dowladda Koonfur Afrika oo ku aaddan in Israa’iil lagu eedeynaya inay xasuuq ka wado Qaza.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 23,357 qof halka lagu dhaawacay in ka badan 59,410 .