Ugu yaraan 5 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay waddada Kisii-Kilgoris

0
227

In ka badan 5 ruux ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen shil galinkii dambe ee shalay ka dhacay aagga loo yaqaano Amabuko ee waddada wayn ee xiriirisa magaalooyinka Kisii iyo kilgoris.
Tani ayaa timid ka dib markii gaadiid dadweyne oo ah nooca loo yaqaano mataatuuda oo rakaab siday uu ku dhacay mid ka mid ah gawaarida xamuulka.
Waxaa isla goobta uu shilka ka dhacay ku dhintay labo carruur iyo saddex qof oo waawayn.
Taliyaha booliiska ee deegaan baarlamaneedka Waqooyiga Masaba ,Robert Kinywa ayaa laga soo xigtay in in wadaha mataatuuda uu isku dayayey inuu ka leexdo mooto ka hor inta uunan baabuurka ku dhicin mid kale.
Mr.Kinywa ayaa intaasi ku daray in shan qof oo kale ay shilka ku dhaawacmeen oo la geeyay isbitaallada si loo daaweeyo.
Taliyaha ayaa warbaahinta u sheegay in baabuurka xamuulka uu ka yimid Sotick oo uu ku wajahna Kisii Sotik halka mataatuudana ay u jeeday dhanka Sotik.
Waxaa uu Mr. Robert wadayaasha baabuurta ugu baaqay inay taxaddar muujiyaan xilli roobaadkan oo aynan adeegsan xawaare xad dhaaf ah.
Meydadka shanta qof ee shilka ku dhintay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka guud ee Kisii.