Ugu yaraan 40 qof oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Khartoum

0
279

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeymo dhanka cirka ah oo loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo laga fuliyay Koonfurta magaala madaxda dalka Suudaan ee Khartoum.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 40 qof .
Weerarkan oo la fuliyey abaare 7:15 subaxnimo ee shalay ayaa waxaa ku dhaawacmay 70 qof oo kale.
Mid ka mid ah kooxaha u ololeeya arrimaha dimuqraadiyadda iyo xuquuqul aadanaha ee Suudaan ayaa laga soo xigtay in diyaarado militari lagu duqeeyay aagga suuqa Qouro.
Tirada dhimashada ayaa sii korortay galinkii dambe ee maanta.
Dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka Bashair oo halkaasi ka ag-dhow iyadoo maamulka xaruntaasi caafimaad uu dhakhaatiirta aaggaasi ugu baaqay inay gacan ka gaystaan daaweynta dhaawaca badan ee la keenaya.
Bartamihii bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii ay soo billowdeen isku dhacyada u dhexeya ciidamada militariga Suudaan iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF.
Ku dhawaad 7,500 oo qof ayaa lagu dilay colaadda Suudaan ee taagan muddo shan bilood ah.
Gudaha magaalada Khartoum waxaa ka barakacay in ka badan 2.8 milyan oo qof waxaana dagaalka ka hor ku noolaa ilaa shan milyan.