Ugu yaraan 4 qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Kazakhstan

0
411

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 4 qof ka dib markii diyaarad laga leeyahay dalka Azerbaijan ay ku burburtay meel u dhow magaalada Aktau ee waddanka Kazakhstan sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta caafimaadka.
Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 62 ruux oo rakaab ah iyo 5 shaqaale waxayna ku wajahnayd Ruushka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay si degdeg ah ugu degtay meel ilaa 3 kiilomitir u jirta Aktau.
Wasaaradda arrimaha degdegga ah ee dalkaasi ayaa sheegtay in ay shilkaasi diyaaradeed ka badbaadeen 29 qof oo ay labo carruur yihiin.
Wakaaladda wararka ee Ruushka ee Interfax ayaa ku warramaysa in ay suurtagal tahay in ay jiraan dad dheeraad ah oo la soo samatabixiyay.
Waxay wasaaradda intaasi ku dartay in la demiyay dab ka kacay diyaaradda iyadoona la howlgeliyay ilaa 150 ka mid ah shaqaalaha la tacaala xaaladaha degdegga ah.