Ugu yaraan 37 qof oo maanta lagu dilay Qaza

0
625

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa weerarro ay tan iyo waabarigii maanta ka fuliyeen Marinka Qaza ee dalka Falastiin waxay ku dileen in ka badan 37 Falastiiniyiin ah.
Ilo wareedyo caafimaad ayaa warbaahinta u sheegay in 22 ka mid ah dadkan looga takhalusay magaalada Qaza.
Ugu yaraan 4 ruux oo gargaar sugayay ayaa ka mid ah dadka lagu dilay weerarrada ka dhacay Bartamaha iyo Koonfurta Marinka Qaza.
Ciidamada Israa’iil ayaa duqeeyay aaggag la deggan yahay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasiirka maaliyadda ee Israa’iil ,Bezalel Smotrich uu soo bandhigay qorsho ay Israa’iil ku goosanaysa ku dhawaad gebi ahaanba Daanta Galbeed ee la haysto .
Waxaa uu ku baaqay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu qorshahan ayido.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, duullaanka militari ee Israa’iil ee Qaza waxaa ku dhintay ugu yaraan 63,746 qof halka ay ku dhaawacmeen 161,245 kale.