Ugu yaraan 35 Falastiiniyiin ah oo xalay lagu xiray Daanta Galbeed

0
211

In ka badan 35 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa xalay lagu xiray howlgallo uu militariga Israa’iil ka fuliyay Daanta Galbeed.
Waxaa sidatan laga soo xigtay ururka u ololeeya xuquuqda maxaabiista Falastiin.
Dadkan badankooda ayaa lagu xiray magaalada Yatta ee Hebron.
Sidoo kale waxaa howlgallada laga sameeyay Bethlehem, Jenin, Ramallah , el-Bireh, iyo Quddus.
Tirada dadka lagu xiray Daanta Galbeed ee Falastiin tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii xilligaasi oo ay billowdeen duqeymaha Qaza ayaa ah in ka badan 7,305 oo qof.