Duqeymaha ay ciidamada militariga ee Israa’iil ka wadaan Qaza ayaa waxaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay lagu dilay in ka badan 32 ruux oo Falastiiniyiin ah.
Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka, muddadan gudaheeda waxaa weerarrada laga gaystay Marinka Qaza ku dhaawacmay 54 qof oo kale.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , in ka badan 45,259 qof ayay Israa’iil ku dishay Qaza halka la dhaawacay 107,627 dheeraad ah.