Ugu yaraan 30 ka mid ah siyaasiyiinta Jubilee oo la kulmay madaxweynaha

0
342

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi waxaa uu kulan kula qaatay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan xisbiga Jubilee.
Xildhibaannada ayaa madaxweynaha u ballanqaaday inay maamulkiisa kala shaqeyn doonaan hirgelinta qorshayaasha horumarineed.
Waxay carrabka ku adkeeyeen in la joogo xilligii dhinac la iskaga dhigi lahaa kala duwanaanshaha siyaasadeed si shacabka loogu adeego.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua .
Hoggaamiyaha wadanka ayaa hoosta ka xarriiqay in ay aad muhiim u tahay in madaxda ay wada shaqeeyaan.
Waxaa uu xusay in siyaasiyiinta ay xor u leeyihiin go’aammada ay qaadanayaan maadaama ay dalka ka jirto dimuqraadiyad.
Ruto ayaa intaasi ku daray inuu xubnaha baarlamaanka waydiisan doono taageeridda hindise sharciyeedyada iyo xeerarka lagu maamulayo sanduuqa Housing Fund, heshiisyada iibinta biyaha iyo kuwo kale.
Bayaan ka soo baxay State House ayaa lagu sheegay in madaxweyne William Ruto uu carrabka ku adkeeyay in laga billaabo toddobaadka soo socdo ay dowladda dhexe sare u sii qaadi doonto barnaamijyada qaybinta cunnada iyo biyaha ee ka dhanka ah saameynta abaarta.
Mas’uuliyiinta maanta la kulmay madaxweynaha waxaa ka mid ahaa xildhibaanka deegaanka Balambala ee ismaamulka Garissa Cabdi Cumar Shuuriye, dhigiisa Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan, mudanaha Kamukunji Yuusuf Xasan ,senatarka ismaamulka Isiolo Faadumo Duullo, John Waluke ( xildhibaanka Sirisia), Mark Mwenje (Galbeedka Embakasi), Sabina Chege oo qaab magacaabid ah ugu biirtay baarlamaanka ,Stanley Muthama (mudanaha galbeedka Lamu iyo kuwo kale.
Waxay sheegeen in xisbiga ay ka tirsan yihiin uu xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha dalka oo horay Jubilee uga soo noqday hoggaamiye ku xigeen.
Shalay ayay ahayd markii uu madaxweynaha la kulmay siyaasiyiinta ka soo jeedo gobolka Nyanza.