Ugu yaraan 26 qof oo ku dhaawacmay dhulgariir saameeyay Filibiin

0
291

In ka badan 26 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen dhulgariir cabbirkiisu lagu qiyaasay 6.4 oo saameeyay Waqooyiga dalka Filibiin.
Musiibadan ayaa sababtay in la xiro garoon diyaaradeed oo caalami ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shacabka oo argagaxay ay waddooyinka isugu soo baxeen iyadoo ay jirto xarun caafimaad oo uu soo gaaray burbur xooggan.
Dhulgariirka ayaa abaare 10:59 habeennimo ee saacadda dalkaasi ku dhuftay meel u dhow magaalada Dolores.
Waxaa dhulgariirka laga dareemay caasimadda Filibiin ee Manila oo magaalada uu saameeyay dhanka Koonfureed uga beegan masaafo dhan 330 oo kiilomitir.
Madaxweynaha dalka Filibiin ,Ferdinand Marcos Junior ayaa dadweynaha ugu baaqay inay taxaddaraan oo aynan ka ag-dhawaan dhismooyinka dhaadheer.
Ugu yaraan labo magaalo oo ku yaalla gobolka Cagayan ayaa koronto la’aan ah ka dib markii ay burbureen leemankii adeeggan xiriirinayay.
Sidoo kale waxaa uu burbur soo gaaray buundooyin iyo waddooyin dhowr ah.