In ka badan 23 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen qarax ka dhacay dukaan wayn oo laga dukaameysto oo ku yaalla gobolka Sonora ee dalka Mexico.
Ugu yaraan 11 ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi oo saameeyay suuqa Waldo ee bartamaha magaalada Hermosillo.
Guddoomiyaha gobolkaasi Alfonso Durazo ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhibbanayaasha ay yihiin carruur.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay qaraxa lagu daaweynaya isbitaallada magaalada Hermosillo.
Guddoomiye Durazo ayaa amar ku bixiyey in baaritaan daahfuran oo qoto dheer lagu sameeyo sababaha keenay qaraxaasi iyo in la ogaado cidii ka dambeysay.
Madaxweynaha dalka Mexico ,Claudia Sheinbaum Pardo ayaa dhankeeda qoraal ay soo dhigtay barta X waxay tacsi u dirtay qoysaska dadka ku nafwaayay qaraxa iyadoo caafimaad degdeg ah u rajeynaysa kuwa dhaawacmay.




