In ka badan 22 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen halka ugu yaraan 25 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo maanta laga soo tabiyay afaafka hore ee xafiiska mid ka mid ah musharraxiinta dalka Pakistan oo ay berri doorasho ka dhacaysa.
Musharraxa madaxa bannaan ee xafiiskiisa la bartilmaameedsaday ayaa lagu magacaabaa Asfandyar Khan Kakar.
Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Koonfurta Galbeed ee wadankaasi gaar ahaan degmada Pishin oo ilaa 50 kiilomitir u jirta magaalada Quetta dhanka kalena masaafo dhan 100 kiilomitir u jirta xadka ay wadaagaan dalalka Pakistan iyo Afghanistan sida laga soo xigtay saraakiil maxalli ah.
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in qaraxaasi loo adeegsaday miino baabuur la saaray.
Sii hayaha xilka wasiirka isgaarsiinta ee gobolkaasi Jan Achakzai, ayaa xaqiijiyay khasaaraha isugu jiro dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay qaraxa.
Qaraxa labaad ayaa ka dhacay magaalada Qilla Saifullah waxaana miinadu ay ku qaraxday meel u dhow xafiiska xisbiga islaamiga ee Jamiat Ulema Islam (JUI) oo horay weerarro loogu bartilmaameedsaday.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo in ka badan 500,000 oo ciidamada ammaanka ah la geeyay deegaannada kala duwan si ay u sugaan amniga doorashada.