In ka badan 20 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarro ay ciidamada Israa’iil maanta ka gaysteen Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Israa’iil ay dadka ku haray magalada Qaza ugu hanjabtay amar cusub oo daadgureyn qasab ah.
Wasiirka difaaca ee Israa’iil , Israel Katz ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ee horay loo yaqaanay Twitter ku sheegay in cid kasta oo halkaasi ku sii sugnaata loo aqoonsanaya argagixiso mise taageerayaasha argagixisada.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadka weli ku sugan gudaha Gaza City in ay haystaan fursaddii ugu dambeysay ee ay ku qaxayaan mise ay ula kulmayaan sida uu qoraalka u dhigay awoodda buuxda ee gummaadka Israa’iil.