Ugu yaraan 20 qof oo ku dhimatay fatahaado ku dhuftay galbeedka Venezuela

0
449

Wararka ka imaanaya gobolka Merida ee galbeedka dalka Venezuela ayaa waxay sheegayaan in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen halkaas kadib roobab xooggan oo sababay daadadka iyo wabiyada oo buux dhaafiyay kadibna biyaha soo daayay.
Sarkaal ka tirsan xisbiga talada haya gobolka Merida ayaa telefeshinka dowladda kaga dhawaaqay inay tirada dhimashadu korortay wuxuuna xusay in mas’uuliyiinta gobolku ku howlan yihiin sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyada isgaarsiinta oo meelaha qaar oo go’ay.
Barasaabka gobolkaasi Ramon Guevara ayaa goor sii horaysay wuxuu sheegay in in ka badan 1,200 oo guryo ah ay burbureen sidoo kalena wali la la’yahay 17 qof oo dheeraad halka shaqaalaha gurmadkuna ay dadka maqan ka baarayaan burburka hoostiisa.
Waxaa uu mas’uulkan ku baaqay inaan arrintaan la siyaasadayn loona wada istaago sidii dhibaatada taagan xal loogu heli lahaa.
Sawirrada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya baabuurtii waddooyinka yaallay oo ay biyuhu qaadeen, dhismayaal iyo meherado gabi ahaanba biyuhu buuxdhaafiyeen iyo waddooyinka oo dhiiqo iyo burbur xooggan lagu arkayo.
Dhowr magaalo oo ku yaalla gobolka ay mashaqadu ka dhacday oo ay ka mid yihiin Tovar, Bailadores, Zea iyo Santa Cruz de Mora ayaa koronto la’aan ah maadaama daadadku ay waxyeeleeyeen nidaamka iftiiminta sida uu sheegay guddoomiyaha gobolku.
Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro ayaa sheegay in wasiirka bartoolku hoggaaminayo dadaallada samatabixinta ah ee socda.
Dhanka kale Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Venezuela Remigio Ceballos ayaa isna warbaahinta dowladda u sheegay in ugu yaraan 54,543 qof oo ku nool 87 degmo ay saamayntu gaartay sidoo kalena gobollada weli ku jira xaaladaha degdegga ah ay yihiin Merida, Tachira, Zulia, Apure, Amazonas, Bolivar, Delta Amacuro, Monagas iyo Aragua.
Ilaa hadda 80 ka mid ah kooxaha dab –damiska iyo 60 sarkaal oo ka tirsan waaxyaha ilaalinta Rayidka ee gobolka Merida ayay dowladdu sheegtay in loo diray hawlgallo deg -deg ah ayagoo kaashanaya ciidamada qalabka sida ee ku sugan Gobolka.
Barasaabka gobolka Merida Ramon Guevara ayaa mas’uuliyiinta ku amray inay diyaariyaan goobo gaar ah oo lagu aruuriyo gargaarka bina aadanimada si ay dadku u helaan kaalmooyin ay ka mid yihiin biyo iyo cunto joogta sidoo kale agabka dhaxanta laga dugsado waxayna dowladdu howlwadeeno caafimaad gaysay meelaha ugu daran ee ay ka jiraan xaaladaha adag.