Ugu yaraan 20 qof oo ku dhimatay dhul gariir ka dhacay Pakistan

0
414

Dhul gariir cabbirkiisu lagu sheegay 5.7 oo saameeyay dalka Pakistan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof.
Dadka dhul gariirka ku dhintay waxaa ka mid ah haweeney iyo 6 carruur ah.
Musiibadan oo ay guriyo dhowr ah ku burbureen ayaa laga soo tabiyay gobolka ku yaalla koonfurta galbeed ee dalkaasi ee Balochistan.
Howlo samata bixin ah ayaa hadda ka socdo degmada Harnai oo ilaa 100 kiilomitir dhanka bari kaga beegan magaalada ugu wayn gobolkaasi ee Quetta.
Zia Langove oo ka mid ah mas’uuliyiinta Balochistan ayaa warbaahinta Aljazeera u sheegay inay dhaawacmeen 100 qof oo kale.