Ugu yaraan 2 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Pakistan

0
150

Ugu yaraan 2 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax laga soo tabiyay magaalada Peshawar ee Waqooyiga Galbeed ee dalka Pakistan.
Waxaa sidatan laga soo xigtay saraakiisha booliiska.
Qarax ayaa ka dhacay meel u dhow aagga Board Bazaar ee magaalada ugu wayn gobolka Khyber Pakhtunkhwa.
Waxaa ku dhaawacmay hal qof oo la geeyay isbitaalka Lady Reading Hospital oo la rumeysan yahay in xaaladiisa caafimaad ay liidato.
Warbaahinta maxalliga ee Pakistan ayaa ku warramaysa in bambada qaraxday lagu soo rakibay mooto.
Waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray saraakiisha waaxda la dagaallanka argagixisada oo durbaba billaabay baaritaan falkaasi ku aaddan.
Taliyaha booliiska ee magaalada Peshawar ,Kashif Abbasi ayaa sheegay in baaritaan horudhac ah lagu ogaaday in qofkii qaraxa gaystay uu isna dhintay.