Ugu yaraan 2 qof oo ku dhintay daadad saameeyay Chile

0
233

Ugu yaraan 2 ruux ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka saddex qof oo kale la la’yahay, ka dib markii daadad ka dhashay roobab culus oo da’ay ay saameeyeen magaalada dekedda leh ee Valparaiso ee dalka Chile.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Chile Carolina Toha ayaa magaalada Valparaiso kaga dhawaaqday xaalad degdeg ah.
Ugu yaraan 419 qof ayaa hooyi la’aan noqday, halka 1,002 ruux laga daadgureeyay deegaannada jooggodu hooseeya ee u nugul saameynta daadadka.
Dadka deegaanka ayaa loogu baaqay inay taxadaraan, iyadoo la filaya in roobabka xooggan iyo khatarta fatahaaduhu ay sii socon doonaan muddo.
Cimilada haatan ka jirta qaybo ka mid ah wadanka Chile ayaa lagu tilmaamay midii ugu xumeyd muddo toban sano ee soo marta taariikhda dalkaasi.