Waxaa la xaqiijiyay dhimashada in ka badan 19 qof ka dib markii ay duntay qayb ka mid ah waddo wayn oo ku taalla gobolka Koonfureed ee Guangdong ee dalka Shiinaha.
Waddadan ayaa u dhexeysa magaalada Meizhou iyo ismaamulka Dabu.
Burburka waddada oo la soo tabiyay abaare 2:10 habeenimo ee xalay ayaa saameeyay 17.9 miitar.
Sidoo kale waxaa halkaasi ku xanniban rakaab ay sidaan 18 baabuur ah.
Warbaahinta CCTV ayaa ku warramaysa in 30 qof oo kale hadda la siinaya daryeel caafimaad oo degdeg ah.
In kastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin dhaawacyada haddana wararka ayaa sheegaya in aynan khatar ku jirin nolosha dadka dhaawacmay.