Ugu yaraan 17 ruux ayaa ku geeriyootay halka shan kalena ay dhaawacmeen, ka dib markii miino ay la kacday gaari nuuca dadwaynaha oo marayay wadada u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar.
Wararka ayaa dhanka kale sheegaya in gaariga oo ay saarnaayeen in ka badan 24 Ruux oo shacab ahaa ayaa waxaa kaliya ay ka badbaadeen shan Ruux ee dhaawacmay oo uu kamid yahay darawalka Gaariga.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ay haleeshay gaariga xilli uu maraayay Buundada laga soo galo degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe
Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa u soo gurmaday ciidamada dowladda ee halkaasi ka dhowaa, iyagoo dhaawaca gaarsiiyay xaruumaha caafimaadka.
Gaariga qaraxa haleelay oo ahaa nuuca loo yaqaano Hoomeyda ayaa ka amba-baxay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeday magaalada Jowhar ee xaruunta ku-meel gaarka ah ee Hirshabeelle.
Maamulka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda weli faah-faahin kama bixin dhacdadan ay ku geeriyoodeen dadka shacabka ah.