Ugu yaraan 15 qof ayaa dhimatay kadib markii bas ay saarnaayeen arday jaamacadeed uu jiiray gaari nooca raaxada ah ee waqooyiga Malaysia subaxnimadii hore ee Isniinta, sida ay sheegtay hay’adaha maxalliga ah ee samatabixinta.
13 dhibane ayaa ku dhintay goobta uu shilka ka dhacay oo u dhow magaalada Gerik, oo ku taal wadada mashquulka badan ee bari-galbeed ee u dhow xadka Thailand, halka laba kalane ay ku dhinteen isbitaalka.
33 kale ayaa ku dhaawacantay oo ay ku jiraan toddobo xaaladooda ay liidato, sida ay hay’adaha samatabixinta ku sheegeen bayaan ay soo saareen.
Baska oo ay la socdeen arday wax ka barata Jaamacadda Waxbarashada ee Sultan Idris, oo ku taalla waqooyiga magaalada Kuala Lumpur, ayaa waxa uu ku dhacay gaadhi yar abaaro 1:00 subaxnimo ee Isniintii saacada maxalliga ah.
Ra’iisul wasaaraha Malaysia, Anwar Ibrahim ayaa ku amray wasaaradda tacliinta sare ee Koonfur-bari Aasiya inay caawiso qoysaska dhibanayaasha ah.
Anwar ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku sheegay in isaga iyo xaaskiisa Cazizah ay aad uga xumaadeen masiibada dhacday.
Dalka Malaysia ayaa waxaa aad ugu badan shilalka gaadiidka, iyadoo wargeyska maalinlaha ah ee The Star uu bishii March ee sanadkan sheegay in hal qof uu ku dhinto labadii saacadoodba waddooyinka mashquulka badan ee dalkaasi.