Ugu yaraan 15 carruur ah oo maalmo gudahooda Qaza ugu geeriyooday nafaqo darro

0
229

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in maalmo kooban gudahooda ay fuuq-bax iyo nafaqo darro u geeriyoodeen ugu yaraan 15 carruur ah.
Waxay dhallaankan ku dhinteen isbitaalka Kamal Adwan Hospital ee magaalada Gaza.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF, Catherine Russell ay ka digtay nafaqo darrada baahsan ee ay wajahayaan carruurta Qaza.